Warbixinta socdaalka gudoomiyaha nusoj ee kismaayo

NUSOJ.ORG.SO: Gudoomiyaha Ururka Saxaafadda Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ Maahir Jaamac Aadam ayaa soo Gebagabeeyay socdaal shaqo oo mudo ku dhow (2) labo bilood uu ku joogay gudaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland.

Gudoomiyaha oo 03-dii bishii july ee sanadkan 2016 gaaray magaalada Kismaayo ayaa kulamo wadatashi ah iyo shirar muhiim ah la qaatay wariyaasha iyo madaxda dowladda Jubaland, wuxuuna ku guulaystay Gudoomiyuhu in 8-dii july uu in ka badan 50-wariye kula qaatay kulan socday lix saacadood hall-ka shirarka ee Hotel Kismaayo, wariyaashaas oo isugu jiray kuwa ka howlgala Gobolada jubooyinka iyo Gedo ayaa si wada jir ah usoo dhoweeyay ururka Nusoj iyo hogaankiisa ay 17-kii May ku doorteen 149 Wariye Caasimadda Soomaaliyeed ee Muqdisho.

Ujeedada Socdaalka gudoomiyaha NUSOJ oo aheyd abuurida hanaan shaqo hufan oo leh isku xidhanaan guud  iyo xal u raadinta khilaafaadyo mudo soo jiray oo dhexyaalay wariyaasha ku nool gudaha Jubaland ayaa suuro gashay in durbadiiba laga gaaro natiijo wanaagsan, wuxuuna kulamo iyo is arag kala gooni ah oo uu gudoomiyuhu la qaatay dhinacyadii ay u qeybsanayeen wariyaashu ka dib uu ku guulaystay inuu 10-kii july isugu keeno kulan guud oo ka dhacay Kismaayo  tiradii ugu badneyd ( 69 ) ee wariyaasha Jubaland oo qaarkood ka soo socdaalay deegaanada kale ee Jubaland halkaasna ay cafis iyo isa saamixid balaadhan ku yeesheen dhamaan wariyaashii soo xaadiray, waxaana meesha ka wada baxay fikrado mugdi ahaa oo kala xanibayay wada-jidhka saxaafadda Jubaland.

Isla kulankaas ayaa lagu sameeyay gudi ka koobnaa 9- xubnood oo wiilal iyo gabdho isugu jiray lagana dhex xulay saxafiyiinta Jubaland, Gudigaas ayaa ka sameeyay horrumaro wanaagsan dhinaca xalinta khilaafaadka, wuxuuna horseeday inay bilowdaan dadaalo iyo qorshayaal wada jidh ah oo lagu soo celinayo midnimada saxaafadda deegaanka, Markii uu dhamaaday khilaafkii wariyaasha kala hayay ayaa waxaa la wada qaatay go’aan mid ah oo lagu soo celinayo midnimada iyo jiritaanka Ururka Saxafiyiinta Jubaland ee JIJA ( Jubaland Independent Journalists Association).

Walow halganka dhismaha ururka lagu kala fogaaday hadana laguma kala tegin in si madaxbanaan ay wariyaashu uga wada hadlaan ugana tashadaan aayahooda iyo horrumarkooda, Wuxuuna Gudoomiyaha Ururka Nusoj wakhti badan siiyay in is faham lagu abaaro ambaqaadka dib u howlgelinta Ururka JIJA, waxaana la wada qaatay in si degdeg ah u howlgalo ururka JIJA oo  hogaankiisu mid yahay.

Ururka NUSOJ wuxuu qaatay doorkii kaga aadanaa Illaalinta xuquuqda iyo madaxbanaanida wariyaasha, wuxuuna gudoomiyaha ku amaanayaa dowladda Jubaland sida ay ugu heelantahay dhowrista badbaadada iyo madaxbanaanida wariyaasha ku nool gudaha Jubaland.

WASAARADDA WARFAAFINTA JL.

12-kii iyo 14-kii bihsa July, wuxuu gudoomiyuhu la kulmay wasaaradda warfaafinta Jubaland gaara ahaan wasiir ku xigeenka mudane Max’ed Ibraahim Faarax ‘Dacar’ oo xiligaas ay ka wada hadleen arimaha Nusoj iyo xaaladda wariyaasha Jubaland, wuxuuna wasiirku sheegay in NUSOJ ay kala qeyb qadanayaan dadaal kasta oo lagu hormarinayo danaha saxaafadda Jubaland.

MADAXWEYNAHA

Sidoo kale, Gudoomiye Mahir Jamac  ayaa 18-kii jully waxa uu xarunta madaxtooyada kula shiray Madaxweynaha dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ay ka wada hadleen arimo u muhiimah saaxaafadda Soomaaliyeed gar ahaan horumarinta danaha saxaafadda madaxabanaan ee Jubaland.

Gudoomiyaha ayaa siiyay madaxweynaha faahfaahin dhameystiran oo la xidhiidha marxaldihii ay wariyaasha Soomaaliyeed u soo mareen mudo bilooyin ah badbaadada ururka qaran ee saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ iyo sida uu hogaanka cusub ee ururku uga go’antahay dhowrista Midnimada, Badbaadada, Difaaca iyo horumarinta guud ahaan Saxaafadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Axmed Max’ed Islaam wuxuu dareen furan ku soo dhoweeyay socdaalka Gudoomiayah Nusoj ee ahaa kii ugu horeeyay ee ay hogaanka cusub ee ururku ku tagaan meelo ka mid ah gudaha dalka, wuxuuna madaxweynuhu balanqaaday in dowladda jubaland ay ku ixtiraami doonto ururka Nusoj gudashada wajibaadka saaran iyo Illaalinta xuquuqaha saxaafadda Soomaaliyeed, wuxuuna intaa ku daray madaweynuhu in isagu uu si guud ula socday dadaaladii wada-jidhka ahaa oo ay hormuudka u ahaayeen gudigii badbaadada Nusoj iyo doorashadii taariikhiga aheyd ee hogaanka ururka ee sida dimuquraadiga aheyd uga dhacday 17-kii May 2016-ka Hotel City Plaza ee Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa balanqaaday in Jubaland aysan noqon doonin dowlad ku xadgudubta xorriyadda hadalka iyo tan saxaafadda xorta ah, wuxuuna Nusoj kula dardaarmay inay xooga saarto ka shaqeynta tayada iyo waxbarashada saxafiga si loo helo saxaafad madaxbanaan oo hormuud u noqota horumarka iyo dowlad wanaaga dalka, sidoo kale waxaa uu madaxweynuhu si cad u muujiyay in dowladiisu aqoonsantahay lana shaqeyn doonaan ururka Nusoj ee ay hogaamiyaan Gudoomiye Mahir Jamac Adam iyo Xogahaye guud Maxamed Ibraahim Macalimuu.

GEBO-GEBO

Dhamaadkii bisha July  ilaa bartamahii August-2016, waxaa uu ururka NUSOJ ka waday magaalada Kismaayo qorshooyin talo wadaag ah iyo fikir uruurin guud oo ay si wada jidh ah uga wada qeybgaleen wariyaasha Jubaland ayaga oo ahmiyad siinaya sida ay Nusoj ula wadaagi lahaayeen ka shaqeynta madax-banaanida guud ee saxaafadda Soomaaliyeed iyo gaar ahaan danaha saxaafadeed ee goboladooda.

Qodobada ay sida cad usoo bandhigeen wariyaashaas oo ay usoo jeediyeen hogaanka Nusoj ayaa ka mid ah:-

  • In hogaanka ururku joogteeyo xidhiidhka uu la sameynayo wariyaasha ka howl gala deegaanada ka fog caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo ah xarunta kowaad ee NUSOJ.
  • In sidan oo kale saxfiyiinta looga qeygeliyo wadatashiyada, lagana shaqeeyo midnimadooda iyo sida loo hormarin lahaa xirfadahooda saxaafadeed.
  • In wariyaasha iyo qeybaha warbaahinta Jubaland ay si buuxda u garab istaageen hogaanka Nusoj ee loo igmaday fulinta waajibaad shaqo culus.
  • In sedexdii bilood ee la soo gudbay uu qabtay uruka Nusoj shaqooyin muhiim ah oo qaarkood la filayay inay qabsoomaan sanad ama 7-bilood ka dib taasna ay si guud wariyaashu ugu mahadceliyeen hogaanka Ururka ee la yimid dadaalkaas hufan.
  • in la bilaabo buuxinta xubinimada Ururka isla markaana la ambo-qaado sameynta kaararka aqoonsiga iyo la xisaabtanka xubnaha ururka iyo xubinimadooda.

Warbaahinta ka howl gasha Jubaland:

Jubaland Tv iyo Radio Kismaayo oo ah laba warbaahin oo ku hadla codka dowladda kuna yaala Magaalada Kismaayo. Radio Sooyaal iyo Radio Markabley oo ah laba idaacadood oo madaxbanaan kana howl gala magaalooyinka Kismaayo iyo Baardheere, waxaa jira warbaahino kale oo qaarkood haatan xarumo ka sameysanaya Magaaladaas oo dhowana ku soo biiraya liiska warbaahinta Jubaland.

In ku dhow 80 wariye ayaa ka howl gala magaalada kismaayo waxayna isugu jiraan kuwo jooga xarumahooda shaqo iyo kuwo wakiilo ah, hadaba tiradaas ayaa gabdhaha saxafiyiinta ah ee ku jira ay yihiin 9-gabdhood, howlaha saxaafadda madaxa banaan ee Jubaland gaar ahaan magalada Kismaayo ayaa dib u curtay wixii ka danbeeyay sanadkii 2013-kii oo ku began xilii ay ciidamada Jubaland ka saareen magaladaas Ururka Al-shabaab oo sanado soo maamulayay halkaas isla markaana baabi’iyay in saxaafad xor ah ka shaqeyso gobolkaas.

Hadaba wariyaashu waxay haystaan Amni ay ku noolaadaan lakiin mahaystaan qalab ay ku shaqeystaan badidood, ma ahan kuwo helay tababaro iyo waxqabad ku filan oo ay ku xoojiyaan tayada xirfadooda iyo u adeegida bulshadooda.

Sidaa darteed ayuu Gudoomiyaha Nusoj Mahir Jamac ku bixiyay wakhti badan xog wareysigooda, waxayna ugu danbeyn wariyaashu soo sagootiyeen ayadoo uu u balanqaaday in NUSOJ ay ka jawaabi doonto wax badan oo ka mid daruufahaas sida ugu ugu haboon ugana dhow.

DAAWO SAWIRADA

DSCN4550 DSCN4545 DSCN4520 DSCN4517 DSCN4492 DSCN4489

Mahadsanidiin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *