21 Janaayo 1973 iyo Maanta

Maanta warbaahinta Soomaaliyeed waxay xusuusatay maalintii ugu horeysay ee wargays Af Soomaali ku qaran yahay uu dalka ka soo baxay. Maalintaas waxay ahayd maantoo kale 21 Janaayo 1973dii.

Munaasabad gaaban oo ay isugu yimaadeen warfidiyeenka qaybahooda Muqdisho ku sugan ayaa lagu qabtay hotel Afrik, waxaana qabanqaabada lahaa ururka warbaahinta Soomaaliyeed SOMA iyo Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed NUSOJ.

Munaasabadda oo halku dhig sanadkan looga dhigay U HIILI AF-KAAGA HOOYO waxaa nuxurkeeda aad u faahfaahiyay Ustaad Cabdullaahi Maxamed Sheegow oo sanadihii 1970kii ilaa 1981 soo kala hogaamiyay Raadiyo Muqdisho, Raadiyo Hargaysa , Agaasinkii SONNA iyo agaasinkii guud ee wasaaradda warfaafinta.

Sheegow oo da’diisa ilaah u barakeeyay ayaa warfidiyeenka ku booriyay inay Af Soomaaliga hub ka dhigtaan maadaama waxa u wayn ay adeegsadaan uu asaga yahay. Sheegow warfidiyeenka mar kale waxaa uu ku tilmaamay inay yihiin furaha horumarka Af Soomaaliga.

Axmed Maxamuud Dhicisow iyo Cabdullaahi Nuur Magan oo ayagana ahaa soo joogii bilowgii qorista far Soomaaliga kana tirsanaa wargayskii Xiddigta Oktoobar ayaa wixii ay ka sheekeeyeen waxa ay xiisa galiyeen warfidiyeenkii iyo ka soo qaybgalayaashii kalee munaasabadda.

Axmed Maxamuud Dhicisow waxaa uu munaasabadda ku soo bandhigay cadad kala duwan oo uu lahaa wargayskii Xiddigta Oktoobar.

Gudoomiyaha SOMA Kooshin iyo Xoghayihiisa Ismaaciil, gudoomiyaha NUSOJ Maahir iyo Xoghayihiisa Guud Macalimuu  oo munaasabadda qabanqaabadeeda lahaa ayaa ka waramay warbaahinta maanta caqabadaha haysta, dadaalka la wado iyo horumarka ay heegsanayso iyo waliba in Af-Soomaaligu gundhig u yahay shaqada wartebinta maanta.

Faarax Cumar   

16216454_10211628748904478_176195826_n 16216106_10211628747864452_2124494909_n 16176410_10211628746944429_1822612030_n 16176347_10211628751024531_992775362_n 1E3A4108 1E3A4058 1E3A4066

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *